Akhriso: War Murtiyeedka shirka Golaha Wadatashiga iyo Qodobo ay diiday Puntland

Dec. 29 (Jowhar.com) – War murtiyeed ayaa goordhow laga soo saaray Shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo labadii maalmood ee la soo dhaafay u socday dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Shirkan oo ah kii afaraad ee Goluhu yeeshaan ayaa ka duwanaa shirarkii hore, maadaama qodobo xasaasi ah uu horyaalay.

Golaha ayaa war murtiyeedka ay soo saareen ku caddeeyay in labo qodob oo ka mid ah in aysan saxiixin Puntland oo aanay ku raacsaneyn.

Labada qodob ayaa waxay kala yihiin Asteynta Hannaanka Federaaleynta Garsoorka oo Puntland diidan tahay in Garsoorka la Federaaleeyo maadaama Maxkamad Dastuuri ah ay sameysatay.

Sidoo kale qodobada kale ee ay diiday ayaa ah Asteynta Awoodaha Heerarka dowladda oo Puntland isu aragto sidii Dowlad oo kale oo aan la mid aheyn awoodaha ay leeyihiin Dowlad Goboleedyada kale.

Halkan hoose ka akhriso War Murtiyeedka:

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More