Akhriso;Taariikh Nololeedka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

May 16 (Jowhar.com)-Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu ku dhashay sanadkii 1955 degmada Jalalaqsi ee bartamaha gobolka Hiiraan,waxana uu waxbarashadiisii aasaasiga ku dhamaystey magaalada Jalalaqsi isagoo dugsiga sare iyo jaamacadaba ku dhamaystay magaalada Muqdisho caasimada dalka Soomaaliya.

Waxa uu Xasan Sheikh Maxamuud, shahaadadii koowad 1981 ka qaatay Jaamacadda Ummadda ka asagoo ku takhakhusay Culuumta Farsamada Gacanta. Shahaadada labaad ee Maamulka iyo Maareynta Farsamada Gacanta 1988 Jaamacadda Barkatullah ee horey loo yaqiinay Jaamacadda Bhopal.

2015 ayaa Barkatullah guddoonsiisay darajada ugu dambeysa (Doctor of Literature) ayada loo aqoonsaday dadaalkiisii dheeraa ee waxbarashada ubadka Soomaaliyeed. Sidoo kale Maxamuud, Jaamacadda Eastern Mennonite Machadkeeda Nabadda ee Virginia ayuu ka qallin jabiyey arrimaha dhexdhexaadinta, tiiraanyo—bixinta iyo dhismaha xaruumaha nabadda iyo waxbarashada.

Macalin iyo tabobarre ayuu ka noqday Dugsiga Sare ee Tababarka Farsamada Gacanta Lafoole, kaddib wuxuu u dalacay Maamulaha Mac’hadka Tabararka Macalimiinta ee Jaamacadda Ummadda.

Burburki Dowladda iyo dagaalada sokeeye dalka kadib wuxuu la shaqeeyey hey’adaha Qaramada Midoobay ee UNDP iyo UNICEF. Sidoo kale Jaamacadda Oxford Xaruunteeda Daraasaadka Qaxootiga iyo mashruucyo kale ee horumarinta nabadda iyo dib u dhiska.

Dagaalkii sokeeye markuu qarxay 1991 UNICEF ayuu u noqday Sargaal Waxbarashada kala shaqeeya iyo sidii dib loogu furi lahaa dugsiyadii waxbarashada. Wuxuu UNICEF la shaqeynayey bilowgii 1993 ilaa 1995.

Sanadkii 1999 ayuu Xasan Sheekh Maxamuud wax ka aasaasay Mac’hadda Maamulka iyo Maareynta Horumarinta (SIMAD) oo markii dambe Jaamacad weyn oo hadda saddex iyo labaatan(23) sano jirsatay noqday. Maxamuud ilaa 2010 wuxuu ahaa maamulaha Jaamacadda SIMAD.

2001 ayuu Maxamuud, ku biiray Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaliyeed (CRD) asagoo Cilmi Baare Sare oo Nabadda iyo dib—u—dhiska ka noqday. Safaro is dabo joog ah oo boogodhayid, dhab u heshiisiin iyo xog aruurin ah ayuu gobolada dalka ku bixiyey. Wuxuu noqday xubin bud—dhig iyo hormuud u noqday sida loo adkeyn karo bulsho rayid ah oo bishiiba mar isugu timaadda xal u helidda mashaqooyinka dalka la degay.

2008 ayuu loo magacaabay in uu hoggaamiyo Sharikadda Telecom oo markaa aheyd Sharikadda Isgaarsiinta labaad ee dalka ugu weyn. Sidoo kale sharikado kale oo Geeska Afrika ka hirgalay oo gaar loo leeyahay ayuu wax aasaasay.

2011 ayuu Maxamuud siyaasadda u xuubsiibtay. Wuxuu dhisay Xisbiga Nabadda iyo Horumarinta. Xubnaha Xisbiga ayaa u doortay April 2011 in hoggaamiyo Xisbiga saddexda (3) sano ee ugu horreysa. Bishii August 2012, ayaa loo doortay Xildhibaan Golaha Shacabka ka tirsan ee Baarlamaankii sagaalaad (9) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
September 10, 2012 ayaa Xildhibaanada Soomaaliyeed u doorteen Madaxweynihii siddeedaad (8) ee dalka.

2013 ayaa Jariiradda TIME u aqoonsan tahay boqolka qof ee dunida ugu saameynta badan ee raadka reebtay.

Xasan Sheikh Maxamuud waa hoggaamiye iyo Madaxweynihii siddeedaad (8) ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya intii u dhaxeysay 2012—2017. Burburkii 1991 ee kaddib Madaxweynihii kowaad ee loo doorto in uu hoggaamiyo Xukuumad aan kumeel gaar ahayn ayuu noqday.

Doorashadii Xasan caalamka ayaa kalsooni buuxda siiyey Dowladda Soomaaliya oo si rasmiyana u aqoonsaday markii ugu horreysay burburkii 1991 kaddib. Aqoonsiga iyo kalsoonida caalamku siiyey ayaa keentay in Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed lagu taageero adduun dhaqaale oo ka badan labo (2) bilyan oo dollar oo lagu dhisayo siyaasaddii lixda (6) tiir ee Xasan usoo bandhigay shacabka Soomaaliyeed si nabadda, dimuqraadiyad iyo horumarinta dalka horutebinta loo siiyo.

Bishii February 2017 wuxuu Maxamuud si rasmiya xukunka Madaxtooyada si nabad ah u wareejiyey Madaxweynihii xigay oo ku yimid doorasho si xor, xalaal iyo hufnaan leh ku dhacday oo cod bixinta dadka loo dhaweeyey kaddib doorashadii March 1969.

15ka May 2022 ayaa Xasan Sheekh Maxamuud markale loo doortay inuu Madaxweyne ka noqdo dalka Soomaaliya muddo afar sano ah,waxana uu noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee marlabaad loo doorto xilka madaxweyne dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More