Al-Shabaab oo sheegtay mas’uuliyada dilka guddoomiye Waaxeed iyo Ilaaladiisii

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu dilay gelinkii dambe ee shalay saddax qof deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa sheegay in ay howlgal qorsheysan ku dileen masuul ka tirsanaa maamulka deegaanka Ceelasha Biyaha iyo laba askari oo ilaalo u ahaa.

Warkaan oo ay baahisay warbaahinta taageerta kooxda waxaa lagu sheegay raggii dilka geystay ay horay u soo qaateen hubkii ay wateen ilaalada mas’uulka la diley.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa howlgalo ku diley mas’uuliyiin ka tirsan maamulada dalka Soomaaliya.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More