Al-Shbaaab oo weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidan ku yaala Gobolka Mudug

Wararka ka imaanaya Gobolka Mudug ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay weerar culus kuq aadeen deegaanka Bacaadweyne oo saldhig ku lahaayeen Ciidanka xoogga dalka ee qeybta 21aad.

Sida wararku sheegayaan dagaal culus ayaa ka dhacay, waxaana la sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay, iyadoo isgaarsiinta deegaanka hawada laga saaray.

Al-Shabaab ayaa baraha Internet-ka ee taageera ku sheegtay dagaalka culus ee ay ku qaadeen Bacaadweyne, ayna kula wareegeen saldhiggii ciidamada.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa sheegtay illaa shan gaadiid dagaal ay kula wareegeen Al-Shabaab oo saldhiggaas yiilay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka 21aad iyo Maamulka Galmudug oo ku aadan dagaalka saaka Al-Shabaab kula wareegeen deegaanka Bacaadweyne.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More