Alshabaab oo xalay weeraray deegaanka Ceeldheere ee gobolka Galgaduud

Wararka ka imanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in dagalamayaal ka tirsan Al-shabaab ay dagaal kula wareegeen degaanka Ceeldheere oo 30km u jira Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud.

Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa la sheegay inay muddo kooban la wareegeen gacan ku haynta degaanka, kadib dagaal socday muddo saacado khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo soo kala gaaray labada dhinac ee xalay dagaalamay.

Ugu yaraan labo Askari ayaa ku dhimatay dagaalkaasi, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen,balse waxaa jira warar sheegaya in khasaaruhu inta ka badan yahay.

Al-shabaab ayaa dhawanahaan waxaa dagaallo xooggan ay ka wadaan Gobolada Galgaduud iyo Mudug, waxaana xusid mudan in degaaanno ka tirsan Gobolka Mudug ay Al-shabaab kula dagaalamaeen dadka deegaanka, waxaana sidoo kale ay dagaallo dhowr jiho ah ay ka wadaan Gobolka Galgaduud.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More