Aqalka Sare oo ka soo horjeestay go’aanka baarlamaanka

Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa war ka soo saaray go’aankii maanta ee Golaha Shacabka uu muddo kordhin labo sano ah ugu sameeyay hay’adaha dowladda, sida ay sheegeen si doorasho qof iyo cod ah la isugu diyaariyo.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Aqalka Sare ayaa lagu sheegay in Golaha Shacaka uu go’aan hal dhinac ah qaatay, taasina ay ” dalka u horseedeyso xasilooni darro siyaasadeed oo ay wehliyaan khatarro amni iyo xaalado kale oo aan hadda la saadaalin karin,”

Wuxuu sidoo kale ugu baaqay beesha caalamka inay soo farageliyaan xaaladda dalka, kahor sida ay sheegeen inta aysan faraha ka bixin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More