Aqalka Sare oo si kulul uga hadlay rabshadihii xarunta golaha shacabka

Dec 02 (Jowhar.com)-Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka carooday is-hortaag ay sheegeen in maanta lagu sameeyay kulanka labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ah ka lahaaheen miisaaniyada dowladda.

War saxaafadeed kasoo baxay aqalka sare waxaa lagu sheegay in mudanayaasha golaha shacabka ay carqaladeeyeen fadhiga.maanta, iyagoo si cad u diiday inuu kulankaasi gudoomiyo gudoomiye Cabdi Xaashi.

Waxa ay tilmaameen ineysan qeyb ka eheyn rabshadihii fadhiga maanta hareeyay, iyagoo dalbaday in xal deg deg ah laga gaaro.

Halkan hoose ka akhriso qoraalka Aqalka Sare kasoo baxay:

𝐖𝐀𝐑-𝐒𝐀𝐗𝐀𝐀𝐅𝐀𝐃𝐄𝐄𝐃

Golaha Aqalka Sare, wuxuu ka xun yahay is hortaaggii ka dhacay Villa Hargeysa maanta oo ay tariikhdu tahay 𝟐/𝟏𝟐/ 𝟐𝟎𝟐𝟑, kaas oo sababay in uu qabsoomi waayo kulanka wadajirka ahaa oo loogu ballansanaa in looga hadlo Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka iyo Xisaab xirka Sanad Maaliyadeedka ku dhmaaday 31-ka Decenber 2022-ka.

Golaha Aqalka Sare oo ka duulaya 𝐪𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟓𝟔-𝐚𝐚𝐝 xarafka (𝐚) oo qeexaya in ay Labada Aqal u gutaan si wadajir hawlaha ay waddagaan, wuxuu howlo shaqo u tegay Xarunta Golaha Shacabka Villa Hargeysa, balse, nasiib darro waxaa halkaas ka dhacay dhacdo aan ku habboonayn maqaamka iyo milgaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Haddaba, Aqalka Sare wuxuu caddaynayaa in uusan dhacdadaan qayb ka ahayn, wuxuuna rajaynayaa in xal degdeg ah laga gaaro wixii dhacay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More