Askari dil ka geystey gobolka Nugaal oo la qabtay

Wararka ka imanaya Puntland ayaa sheegaya in ciidanka Boliiska Puntland ay soo qabteen askari lagu tuhunsan yahay inuu diley sarkaal ka tirsanaa ciidamada badda Puntland.

Dilkan oo xalay ka dhacay degaanka Laanta Hawada oo ah duleedka bari ee magaalada Garoowe ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay muran soo kala dhex galay marxuumka iyo Gacan ku dhiiglaha.

Sarkaal u hadlay ciidamada Puntland ayaa sheegay inay soo qabteen askariga dilka geystey isagoo dhaawac ah ayna caddaalada u gudbin doonaan.

Dilka Magaalada Garoowe loogu geystay Bootaan Cowl oo kamid ahaa Saraakiisha Hay’adaha Amniga Puntland ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli maalin ka hor Ciidamada ilaalada Madaxweynaha Puntland ay Magaalada Garoowe ku dileen Gabar lagu Magacaabi jiray Maryan Axmed Caato.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More