Axmed Afcadey oo ku guuleystey Doorashada Aqalka Sare ee magaalada Jowhar

Axmed Maxamed Cali Af-cadey ayaa ku guuleystey tartanka doorashada Aqalka Sare ee kursi ka mid ah kuraasta Aqalka Sare ee Hirshabelle kadib markii uu wareegga labaad uu ka guuleystey Maxamed Amiin Sheekh Cismaan oo hore kursigan ugu fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay.

Senatarka cusub Axmed Maxamed Cali Afcadey ayaa helay codad gaaraya 52 cod halka uu Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan uu ka helay codad gaaraya 44 cod.

Kursigan oo caawa doorashadiisu ay ka dhacday magaalada Jowhar ayaa waxaa ku tartamayay afar musharax waxaana wareegii hore ku haray labo musharax oo mid ka mid ah uu tanaasulay.

Wareegii hore ayaa waxaa ay musharaxiinta u kala heleen codadka sidan Maxamedamiin Sheekh Cismaan 38 cod,Daaha Muxidiin Sheekh Daa’uud 6 cod, Axmed Maxamed Cali”Afcadey”49 cod halka uu Yuusuf Maxalin Xasan “Filadheere” uu ka helay 3 cod.

Kursigan ayaa noqonaya kii labaad oo Senatarkii hore ugu fadhiyay loogaga guuleystey doorashada ka dhacaysa magaalada Jowhar.

Waxaa lagu wadaa in caawa la doorto Senatar kale iyadoo ay ku tartamayaan kursigan musharaxiinta kala ah;

1- Cali Shacbaan Ibraahim,
2. C/Qaadir Xanafi Sheekth Bashir,
3. Cabdullahi Axmed Tawaad,
4. Caasho Xuseen Abuukar,
5. Cabdalle Cabdi Xuseen

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More