Axmed Madoobe oo la kulmay Safiirka Imaaraadka Carabta

Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa la kulmay safiirka Imaaraadka Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Axmed Cuthmaan.

Madaxweyne Axmed ayaa safiir Maxamed Axmed Cuthmaan uga mahadceliyay gurmadkii ay ka gaysteen abaaraha ka jira Jubaland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa soo dhaweeyay talaabada uu qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble ee ku aaddan dib u soo celinta xiriirka Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Waxaa sidoo kale u soo dhaweeyay tallaabada uu maanta qaaday Ra’isul Wasaare Rooble Midowga Musharaxiinta. Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ayaa dowladda Imaaraadka ka raalli galiyay dhacdadii loogala wareegay lacag bishii April ee 2018.

Maxamed Xuseen Rooble ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ballan qaaday in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda lagu wareejin doono dowladda Imaaraadka waqtiga ugu dhaw.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More