Axmed Madoobe oo xafiiskiisa ku qaabilay Col Thomas Sarrouf

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay Saraakiil Mareykan ah uu hoggaaminayay Taliyaha howlgalka Mareykanka ee Somaliya Col. Thomas Sarrouf.

Kulankan ayaa looga hadlay dardar gelinta howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo taageerida Mareykanka uu siiyo Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa ka mid ah goobaha saldhigyada ku leeyihiin Ciidamada Mareykanka ee qeybta ka ah howlgalka AFRICOM.

Kulankan ayaa ku soo beegmaya xilli shalay uu gaaray magaalada Kismaayo taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa.

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More