Baarlamaanka Israel oo soo afjaray xukunkii Netanyahu ee 12ka sano

Baarlamaanka Israel ayaa soo afjaray muddo 12 sano ah oo uu dalkaasi Ra’iisul Wasare ka ahaa Benjamin Netanyahu kadib markii ay u codeeyeen dowlad wadaag cusub.

Naftali Bennett oo ka tirsan xisbiga Yamina, ayaa loo dhaariyay xilka Raiisul wasaaraha cusub. Naftali Bennett, oo madax ka ah xisbi yar oo ayaa loo dhaariyey xilka ra’iisal wasaaraha kadib markii cod carriiri ah ay ku heleen 60-59 baarlamaanka.

Mr Netanyahu – hogaamiyaha ugu waqtiga dheer ee Israel oo xukumayay, wuxuu sii ahaan doonaa madaxa xisbiga garabka midig ee Likud wuxuuna noqon doonaa hogaamiyaha mucaaradka.

Codeynta ka dib, Mr Netanyahu wuxuu gacan qaaday Mr Bennett. Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa durbaba hambalyo u diray Mr Bennett, isagoo sheegay inuu rajeynayo la shaqeyntiisa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More