Baarlamaanka oo berri ka doodaya mooshin ku saabsan doorashada iyo Ciidamo la dhigay

Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa berri kulan degdeg ah yeelanaya, iyadoo goordhow uu farriin qoraaleed u dhacay xildhibaannada oo ku saabsan mooshin ku saabsan doorashada qaranka.

Ilo ku dhow dhow Xildhibaannada ayaa sheegaya inuu jiro qorshe muddo kordhin ah oo labo sano ah, waxaana loo yeeri doonaa Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaran.

Guddoonka Golaha Shacabka ayaa muddooyinkan si hoose u waday arrinta ku saabsan mooshinka, inkastoo kulankii hore uu fashilmay ee ahaa isku day muddo kordhin ah.

Ciidamo ka tirsan kuwa Amniga ayaa la soo dhoobay waddooyinka soo gala xarunta golaha shacabka, waxaana ku tala galka yahay xaqiijinta amniga iyo sidii isku daygaas ku suurta geli lahaa.

Dhowr jeer oo hore baaqyo ka soo baxay Beesha Caalamka ayaa looga digay muddo kordhin loo sameeyo dowladda uu muddo xileedkeedu dhammaaday.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More