Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta yeelanaya kulan xasaasi ah

Golaha shacabka Baarlamanka Somaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah yeelanaya kulan shaki badan uu hareeyay.

Fariimo xalay telefoonada loogu diray Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa lagu sheegay inuu beri jiro kulanka baarlamanka oo loogana hadlayo ajandayaal ay ka mid yihiin
saddex ajende ah oo kala ah:-

1- Covid-19
2-U codeyn laba xubnood oo guddiga M/B ee Xuduudaha
3- iyo U codeyn sharciga Qaxootiga Qaranka.

Hase yeeshee Guddoomiyaha baarlamaanka oo ka joojiyay kulankan 15 xildhibaan ayaa mudanayaasha laga joojiyay kulanka ay ku adkeysanayaan inay saaka ka qeybgalayaan kulanka.

Madasha Qaranka oo ay ku mideysan yihiin maamulada Jubaland,Puntland,Midowga Musharaxiinta iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Waqooyiga Soomaaliya ayaa ka digey in baarlamaanku uu muddo kordhin u sameeyo madaxweyne Farmaajo.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More