Baashi Xoosh Jibriil oo ah Muwaadin Somali-Canadian ah oo lagu diley dalka Turkiga

Baashi Xoosh Jibriil oo ah muwaadin Somali-Canadian ah ayaa ku dhintay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, ka dib markii horaantii todobaadkan ay koox burcad ah wadada u galeen.

Allaha u naxarisitee Baashi Xoosh Jibriil oo 52 jir ah oo ay walaalo ahaayeen allaha u naxariistee wasiirkii hore ee dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibril ayaa waxaa xaqiijiyay dilkiisa mas’uuliyiinta dalka Turkiga kadib weerar ka dhacay xaafad ku taalla bartamaha magaalada Istanbul subaxnimadii 6-dii December.

Baashi Xoosh oo ku dhashay magaalada Jowhar kuna soo barbaaray balse degenaa dalka Canada ayaa u joogay magaalada Istanbul booqasho uu ku indho indheynayay meel uu qoyskiisa oo ku nool dalka Canada soo dejin karo.

Baashi ayaa waxaa weeraray isagoo meel waddo ah maraya saddex nin oo u dhashay dalka Turkiga kuwaasoo qoorta feer ugu dhuftay kadibna ku garaacay darbi,waxana uu u dhintey Baashi dhaawacyadii ka soo gaaray weerarka ay burcada u geysteen.

Isagoo miyir daboolan ayay kooxdii weerarka soo qaaday ka qaateen taleefoonkiisii ​​iyo waxyaabo kale oo qaali ah oo uu haystay.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah, dhaqtar u dhashay dalka Iran oo goobta marayey ayaa indhihiisa ku arkay Baashi Xoosh Jibriil oo jiifa isagoo aan dhaqdhaqaaq lahayn, wuxuuna isku dayay inuu dib u soo kiciyo isagoo ku sameeyay gargaar deg-deg ah.

Weerarka ayaa ka dhacay degmada Beyoğlu, oo ah xaafad taariikhi ah oo ku taal dhinaca Yurub ee Istanbul oo ay muddo dheer caan ku ahaayeen ajaanib iyo dalxiisayaal.

Booliska Istanbul ayaa xiray dhammaan seddex ruux oo lagu tuhunsan yahay inay ka dambeeyeen dilka Baashi.

Eedeysanayaasha ayaa la soo taagay maxkamad iyadoo mid labo kamid ah lagu eedeeyay burcadnimo halka kan saddexaadna lagu eedeeyay dil bareer ah.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More