Bam Gacmeed lagu weeraray Baydhabo oo khasaare geystey

Wararka ka imanaya magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa sheegaya in bam gacmeed lagu weeraray ciidamo ku sugan isgoyska Boqoleyda oo ka mid ah Xaafada Bardaale ee Magaalada Baybadho uu sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Ciidamada bamka lagu weeraray ayaa furay rasaas badan waxaana la sheegay in qaraxii ka dhashay bamka iyo rasaastii ay ciidamadu fureen ay ku dhinteen labo ruux oo rayid ah halka shan kalana ay ku dhaawacmeen.

Dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa waxaa kamid ah ilmo lix sano jir ah iyo saddex haween ah.

Howlgalo ay ciidamada sameeyeen qaraxa kadiba ayay ku soo qabqabteen dad looga shakiyay inay ku lug lahaayeen weerarka bam gacmeedka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More