Beesha Caalamka oo dadaal ugu jirta isu keenida DFS iyo Dowlad Goboleedyada

Beesha Caalamka ayaa dadaal ugu jirta sidii ay isugu imaan lahaayeen dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada, kaddib markii ay ku guuldareysteen inay isugu yimaadaan shir looga hadlayo xal ka gaarista is faham waaga ka taagan doorashooyinka.

Ilo ku dhow dhow Xarunta Xalane oo fadhi u ah Beesha Caalamka ayaa sheegaya inay ka socoto qaban qaabada shirka la filayo inuu dhowaan dhex maro dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, sidoo kale farriimo is daba joog ah ayaa dhinacyada u direen, si ay shirka u soo xaadiraan.

Beesha Caalamka ayaa diyaar u ah fududeynta shirka iyo sidii dhinacyada is mari waaga ka dhaxeeyo ay u gaari lahaayeen heshiis, si horay loogu socdo.

Wararka ayaa sheegaya in xubno ka tirsan dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ay Muqdisho u yimaadeen indha indha indheynta halka ay dagayaan Madaxweynayaasha labadaas Maamul.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in kama dambeys maalinta Arbacada yimaadaan, sidoo kale Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo ku maqan dalka Turkiga ayaa iyana la filayaa in labada maalin ugu soo horeysa soo galaan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More