Beesha Caalamka oo walaac ka muujisay dagaalka Magaalada Guriceel

War Saxafadeed ay si wadajir ah u soo saareen wadamada iyo ururada daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa waxa ay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin dagaalada ka dhacay Guriceel.

“Saaxiibada Beesha Caalamka ayaa ka walaacsan dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee Dowlad Goboleedka Galmudug.Colaaddu ma aha oo kaliya mid sababaysa dhibaato bini’aadanimo oo ku dhacda dadka deegaanka, ee waxay sidoo kale tubta ka leexinaysaa hortabinnada degdegga ah ee dhamaystirka hannaanka doorashada iyo la-dagaallanka al-Shabaab.”ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Ugu dambeyntii waxa ay dalalkan iyo ururadan caalamiga ah ku baaqeen in si degdeg ah loo joojiyo dagaalka wadahadalna lagu dhameeyo khilaafka.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhinacyada dirirtu ka dhaxayso inay si dhakhso leh u joojiyaan dagaalka oo ay wada hadal ku dhameeyaan khilaafkooda. Saaxiibada caalamku waxay diyaar u yihiin inay taageeraan dadaalladaas haddii ay dhinacyadu codsadaan.”

Dalalka iyo ururada soo saaray war saxaafadeedkan ayaa kala ah;

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Kanada, Denmark, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur Goboleedka (IGAD), Talyaaniga, Kenya, Jaamacadda Carabta, Netherlands, Norway, Qadar, Suudaan, Iswiidhan, Turkiga, Uganda, Boqortooyada Ingiriiska, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More