Booliska Kismaayo oo gacanta ku soo dhigey nin hooyadii ku diley Kismaayo

Jun. 11 (Jowhar.com)-Nin dhalinyaro ah oo laga keenay dibbada ayaa ku diley xaafada Farjano ee magaalada Kismaayo hooyadii isagoo dilkeeda u isticmaalay Mindi.

Dhacdadan oo aad looga naxay ayaa waxaa wiilka dilka geystey magaciisa lagu sheegay Xassan C/llaahi Cabdi Shire iyadoo hooyada la dileyna lagu magacaabi jiray Marxuumad Xaliimo Xassan Cumar.

Taliyaha saldhigga booliska magaalada Kismaayo ayaa sheegay in ciidamada booliska ay gacanta ku hayaan ninkan bireeyay hooyadiisa ayna cadaalada horgeyn doonaan.

Booliska ayaa soo bandhigay muuqaalka ninkan diley hooyadiisa,waxana taliyaha booliska Kismaayo uu sheegay in wiilkan maskaxdiisu aysan caadi ahayn.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More