Booliska Muqdisho oo soo qabtay nin gabar afduub ahaan ugu heystay Dharkiinleey

Jun. 18 (Jowhar.com)-Ciidamada booliska degmada Dharkiinkeey ayaa gacanta kusoo dhigau eedeysane ay sheegeen inuu afduub ahaan u heystay gabar dhalinyaro ah.

War kasoo baxay taliska qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in ninkan uu mudo 10 cisho ah heystay gabadhan, iyadoo mudadaasi ay baadi goob ugu jireen qoyskeeda.

“Taariiqdu markay aheyd 17/6/2023 abaaro 22:10pm ayaa ciidanka boliiska qeybta guud ee gobolka banaadir gaar ahaan qeybta galbeed ee saldhiga dharkeynlay howgal ay fullinayeen ayaa waxa ay ku soo qabteen eedeysane afduub ku haystay gabar kasoo haystay mudo 10 maalmood ah” ayaa lagu yiri warka boolisja.

Booliska gobolka Banaadir ayaa dhinaca kalr aheegay iney cadaalada marsiin doonaan dambiilahan, ma aysan sheegin nooca tilaabo ee laga qaadi doono.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More