Boqolaal ruux oo xabsi daa’in ay ku xukuntay maxkamad ku taal Turkiga

Maxkamada dalka Turkiga ayaa xabsi daa’in ku xukuntay illaa 337 ruux oo isugu jira duuliyaal iyo dad kale oo lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen afgambigii dhicisoobay oo afar sano ka hor ka dhacay dalka Turkiga.

Ugu yaraan shan boqol oo ruux ayaa lagu eedeeyay inay isku dayeen inay afgambi ku rideen madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan 15kii July sanadkii 2016kii saldhig ku yaal meel ku dhow magaalada Ankara.

Illaa 250 ruux ayaa lagu diley isku day afgambi oo ay ka qeybqaateen diyaarado,helikabtaro iyo taangiyo oo ka dhacay dalka Turkiga.

Kumanaan ruux ayaa loo haystaa inay ka qeybgaleen iskudayga afgambigan iyadoo dowlada Turkiguna ay ku eedeysay inay ka dambeeyeen koox taageersan wadaadka ku nool dalka Maraykanka ee Fethullah Gulen.

Wakaalada wararka ee Anadolu iyo hay’ado kale ayaa sheegay in 25 duuliye gaar ahaan diyaarada dagaalka ee F-16 ayaa xukun xabsi daa’in ah lagu xukumay.

Taliyihii hore ee ciidamada Turkiga Akin Ozturk iyo saraakiil kale oo ka howlgalayay saldhigga ciidamada cirka ee Akinci oo ku taal meel ku dhow magaalada Ankara ayaa lagu eedeeyay inay agaasimeen afgambiga ayna duqeeyeen dhismooyin ay dowladu lahayd oo baarlamaanku ka mid yahay iyagoo doonaya inay qaarijiyaan madaxweyne Erdogan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More