Boqorka dalka Urdun oo digniin culus u diray Mareykanka

May 07 (Jowhar.com)-Boqorka dalka Urdun ayaa uga digay Mareykanka in weerarka Israa’iil ay ku qaadday Rafax uu ku hanjabay inuu horseedi doono “xasuuq cusub”, oo dhibaato hor-leh abuuri kara.

Joe Biden waxa uu Aqalka Cad kula kulmayey Boqor Cabdallaha II ee Urdun isniintii, iyadoo uu soo baxay warka ku saabsan heshiis xabbad-joojin ah oo Xamaas ay aqbashay.

Qoraallada ka soo baxay dhinaca Urdun ayaa muujinaya in boqorku uu ka digay in weerar dhulka ah oo ka dhaca Rafax uu sababi karo dhibaato gobolka ku baahda, wuxuuna carrabka ku adkeeyay baahida loo qabo in la ilaaliyo dadka rayidka ah ee Qasa nool.

Dad ka badan 1.4 milyan oo falastiiniyiin ah ayaa ku sugan Marinka Rafax kuwaas oo markii horaba noloshu ku adkeed.

Madaxweynaha Mareykanka iyo boqorka Urudun ayaa aad ugu farxay natiijadii ka soo baxday wadahadaladii xabad-joojinta ee Masar iyo Qatar ay dhexdhexaadinayeen, waxaana ay rajo ka muujiyeen in dhawaan heshiis la gaaro.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More