Boqortoyada Sacudi Carabiya oo ku dhawaaqday tirada dadka xajinaya sanadkan

Boqortooyada Sacuudiga ayaa soo rogtay amar hor leh oo ku saabsan Xajka sanadkan 2021-ka. Waxayna sheegtay in 60,000 oo qof oo keliya loo oggolaan doono inay ka qeyb galaan Xajka sanadkan.

Dadka doonaya inay xajiyaan ayaa qasab looga dhigay inay qaataan tallaalka looga hortagayo xanuunka Coronavirus iyadoo dhanka kalena la xaddiday da’da.
Bayaan ka soo baxay Boqortooyada Sacudi Carabiya ayaa lagu faahfaahiyay shuruudaha xujayda sanadkan.

1) 60,000 Xujjaaj ayaa loo qorsheeyay inay gutaan waajibaadka Xajka sanadkan oo ay ku jiraan xujaajta maxaliga ah iyo kuwa ajaanibta ah.

2) Qofka xajka gudanaya waa in da’adiisu u dhexeeyso 18-60 sano jir.

3) Kuwa Xajka gudanaya waa in xaaladooda caafimaad ay wanaagsan tahay.

4) Waa inuusan isbitaal u gelin wax xanuun ah lixdii bilood ee u dambeysay qofka sanadkan xajinaya.

5) Xujaajtu waa inay qaataan labada qaybood ee talaalka ah kaarka talaalka oo ay bixiyaan wadamada Caafimaadka.

6) Tallaalka uu qofku qaatay waa inuu ku jiraa liistada la ansixiyay ee ay Wasaaradda Caafimaadka ka aqoonsan tahay gudaha Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

7) Xujaajtu waxa ay galayaan karantiil mudo 3 maalmood ah xujaaj ajnabi ah isla markay yimaadaan boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Sacuudi Carabiya ayaa ajaanibta ka mamnuucday xajka sanadkii la soo dhaafay markii ugu horeysay taariikhda boqortooyada, iyadoo u ogolaatay kaliya tiro kooban oo muwaadiniinta iyo dadka degan Sacuudiga.

Kahor cudurka COVID, iyo dhaqan gelinta kala fogeynta bulshada ee adduunka, qiyaastii 2.5 milyan oo xujey ah ayaa booqan jiray goobaha ugu karaamada badan Islaamka ee Maka iyo Madiina xajka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More