Cabdikariin Guuleed oo la kulmay safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya

Jun. 20 (Jowhar.com)-Ergayga gaarka ah ee madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed.

ayaa kullan la qaatay safiirka dowladda Sacuudiga u fadhiya Soomaaliya danjire Axmed Bin Maxamed Al-Muwallad, kaas oo diirada lagu saarnay iskaashiga labada dal, iyo wada-hadallada dowladda FS iyo Somaliland sidii loo sii amba qaadi lahaa.

“Waxaan Safiirka uga warbixiyey dedaalada lagu xoojinayo wadahadallada dowladda FS iyo Somaliland iyo sida ay dowladeena uga go’antahay xal u helida arrimaha Somaliland” ayuu yiri Mudane Cabdikariin Xuseen Guuleed

Dhinaciisa safiirka dowladda Sucuudiga ayaa muujiyey in ay Dowladda Sacuudiga diyaar u tahay garab istaaga iyo taageerida wadahadallada dowladda FS iyo Somaliland sida lagu sheegay bayaanka xafiiska ergayga.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More