Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ku eedeeyay Farmaajo inuu wado abaabul dagaal ka dhan ah Rooble

Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo inuu wado abaabul ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur uga hadlay arrimihii ugu dambeeyay ee la xiriiray taliyaha ciidamada badda oo sheegay in Ra’iisul Wasaare Rooble uu dhisanayo xarun ay lahaayeen ciidamada badda.

Qoraalka uu soo saaray Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa waxa uu ku bilaabay eedeyn uu u soo jeedinayo Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday;

Farmaajo wuxuu maalmahan ku hawlanyahay abaabul ciidan iyo dagaal ka dhan ah Ra’iisal wasaare Rooble. Mar wuxuu ka hadashiiyey nin dhiirran oo isagoo garaaddihii ciidanka xiran Aflagaaddo ku dhoobay RW.

Wuxuu soo abaabulay guddiga doorashada, isagoo diiddan in la beddelo xubnihii guddiga xallinta khilaafaadka. Waxaa xigay shirkii dhoollatuska ahaa ee saraakiisha ciidanka iyo waddooyinkii la xiray, si loo baajiyo shirkii Golaha wasiirrada. Waxaa intaas dheer dacaayadda ay CBB baraha bulshada ka wadaan ee Rooble ku wajahan.

Waxaa xusuus mudan in Saadaq John markii uu muddo kororsiga ka hor yimid uu Farmaajo garaadihii ka xayuubiyey, weerarna ku qaaday, laakiin uu hadda leeyahay “wiilka taliyaha ah lama taaban karo”. Waxaanse la yaabay markaan arkay madax iyo saraakiil ciidan oo kuwii Rooble la xijiniyey ah oo gumayntiisa u durbaan tumaya ama ka aamusan.

Farmaajo doorashada in la toosiyo ma oggola, shirka looga hadlayo in la saxana wuu diidanyahay, wuxuuse garab ka haystaa inta diiddan in doorashada la saxo.

Rooble waxaan leeyahay sharciyad ayaad haysataa, taageerada shacabkana waxaad ku helaysaa in aad doorashada saxdo, dalkana halista Farmaajo iyo kooxdiisa ka badbaadiso.

Ha ka leexan waddada dhiirranaanta iyo ku dhaca, hana sugin inta yadda ama dhirbaaxyada kale kugu dhacayso, ha niyad jebin shacabka, oo mar kale taageeradooda ha lumin.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More