Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay inuu Farmaajo qorsheynayo inuu xoog ku boobo doorashada

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir kana mid ah musharaxiinta Madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka digey in dhalinyaro Soomaali ah oo lagu soo tababaray dalka Eritrea loo adeegsado in lagu boobo doorashada dalka.
Qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxa uu ugu horeyntii uu Cabdiraxmaan Cabdishakuur ugaga hadlay qaabkii dhalinyaradaa loogu qaaday dalka Eritrea;

“Shalay markii Eritrea loo qaadayey waa la siray, waxaana loo sheegay in Qatar la geynayo oo ay noqonayaan askar ilaalisa ciyaaraha adduunka. Qaarkood iyagoo ajnabi u diriraya ayey dhinteen, halka kuwa kale ay ciqaab, cudur iyo gaajo dishay”

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku sheegay in dhalinyaradan laga dhigey askarta la qorsheynayo in lagu boobo doorashada;

“Dhowr kun oo kale ayaa dhowaan la soo wadaa, si dagaal ahli loo geliyo oo dalka xoog loogu qabsado. Qorshuhu waa in Baydhabo, Muqdisho iyo Gaalkacyo laga dejiyo, si Bu’aale, Muqdisho iyo Garawe loogu qabsado.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa waxa uu ku sheegay in Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday uusan dooneyn in si nabad ah oo doorasho uu ku wareejiyo xukunka dalka:

“Soomaaliyey Farmaajo nin xukun nabad iyo doorasho ku dhiibaya maaha, ee waa in aan iska qabannaa inta uusan fidno weyn iyo dagaal sokeeye lugaha inoo gelin.”

Ugu dambeyntii Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa baaq u direy waalidiinta carruurtooda lagu soo tababaray dalka Eritrea;

“Waaliddiinta horay loo siray waa in aysan oggolaan in ubadkooda la halligo oo dabka lagu guro, inaguna waan la duubanahay sidii aan horay ula jirnay”

Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa marar badan waxa uu ku celceliyay in doorashada dalka uu boobayo Madaxweynaha muddo xilleedkiisu dhamaaday ee Farmaajo waxana uu maanta shaaciyay qaabka uu u doonayo Farmaajo inuu u boobo doorashada dalka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More