Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si kulul uga hadlay weerarka lagu qaaday Hotel Afrik

Hoggaamiyaha xisbiga Wadajir kana mid ah musharaxiinta Madaxweynaha dalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu qaaday Hotel Afrik ee magaalada Muqdisho.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigey bartiisa Facebook waxa uu ku eedeeyay dowlada federalka inay dayacday dadka ku nool Muqdisho,waxana uu ku baaqay in shacabka Muqdisho ay tashadaan.

Weerarka lagu qaaday Hotel Afrik ayaan illaa weli aysan dowlada federalka si rasmi ah ugaga hadlin.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur

“Waxaan canbaaraynayaa weerarkii ay kooxda argagexisada ah maanta ku qaadeen Hotel Afrik. Allaha u naxariisto dadkii ku dhintay, Allahana u booga dhayo inta dhaawaca ah, Allahana badbaadiyo inta weli go’doonsan. Ma jiro Hotel Muqdisho ku yaala oo ka badbaaday weerar argagexiso. Waxaa muuqata in aysan jirin cid hortaagan argagexisada oo halkii ay doonana beegsan karaan. Ma jiro hoggaan dawlad oo la isku haleeyo. Reer Muqdisho waa in ay isku tashadaan oo ay silican ka baxaan. Maangal maaha in maalin walba maydka haldoorkeena ka tacsiyeyno, dhaawaca gurano, burburka hantideena daawano.”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More