Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo soo dhoweyn iyo cambaareyn isugu daray golaha wasiirada la magacaabay

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan cabdi Shakuur Warsame ayaa soo dhoweeyay golaha wasiirada la magacaabay hase yeeshee waxa uu si weyn uga soo horjeestey magacaabista wasiirka cadaalada Cabdqaadir Maxamed Nuur.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay Madaxweyne Farmajo in ay ka go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha oo uu ula jeedo mid ka mid ah Wasiirada Cusub, kaasi oo lagu Magacaabo C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka.

Halkan hoose ka akhriso Qoraal uu soo saaray Cabdiraxaan CabdiShakuur:

“Waxaan bogaadinayaa xubnaha loo magacaabay Golaha Wasiirada. Waxaana ILAAHEEY uga baryayaa in uu hawshooda u fududeeyo. Waxaase arrin laga naxo ah in C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo horay u ahaa Ku-simaha Taliyaha Nabadsugidda Qaranka, hormuudna u ahaa kooxdii 17-kii Diseembar 2017-kii weerarka ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir loo magacaabo Wasiirka Caddaaladda.

Tani waxay tusaale u tahay sida ay kooxda Madaxweyne Farmaajo uga go’an tahay dhiiragelinta gacan ku dhiiglayaasha, ku tumashada caddaaladda iyo damqinta boogaha. Waxaan ugu baaqaynaa Ra’iisul Wasaare Rooble in uu go’aan degdeg ah arrinkaas ka qaato, iska fogeeyo shakhsiyaadka diiwankoodana madowyahay, kuna caan baxay xadgudubka sharciga iyo ku tumashada xuquuqul insaanka”.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More