Cabdiraxmaan Cabdishakuur “Wan ilaa la gowraco indhihiisa cirka ma arkaan”

Musharaxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka hadlay qarashaad lagu bixiyo doorashada isagoo ku tilmaamay markale in doorashadu tahay mid boob ah oo aan xalaal ahayn.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si isdabajoog u soo dhiga bartiisa Facebook hadalo kulkulul uu ku dhaleeceeynayo doorashada ayaa ka digey in doorashada la boobo ay ka dhalato cawaaqib xun.

Qoraal uu maanta soo dhigey boggiisa Facebook ayuu ku bilaabay Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur;

“Waxaa la yiri ergada wax dooranaysa waa in qofkiiba uu $30 bixiyo si loo siiyo shahaado danbi la’aan ah, haddana waa in uu $50 bixiyo si uu shahaadada COVID19 u helo. Murashaxa kursiga u xiran yahay ee loo boobayana waa in uu bixiyaa $1000 si uu shahaado danbi la’aan ah u helo, waana in uu qarashka ka bixiyaa ergada, welina lacag kale oo dheeraad ah siiyaa, si ay ugu codeeyaan. Si boobka loo xalaaleeyo waa in uu guddiga doorashada afgartaa.”

Sidoo kale Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraalkiisa ku qaatay inay jiraan madaxweynayaal dowlad goboleed oo ah musharax;

“Madaxweynaha Dowlad Goboleedka waa in uu isagu kuraasta boobo haddii uu musharrax yahay, ama uu murashax kale u boobaa. Taasi doorasho maaha ee waa boob, xaraash, laaluush iyo awood sheegasho.”

Ugu dambeyntii Musharax Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka digey cawaaqib xumi ka dhalatay natiijada doorasho la boobo;

“Ruuxa tartama ee laga guulaysto, xanuun guuldarro oo keli ah ayuu xambaartaa, laakiin haddii tartanka loo diido, ama la xoogo, waa ciishoodaa, ciilkuna wuxuu keenaa aargudasho, waana tan sababaysa colaadda iyo in wixii yaraa ee inoo dhoobdhoobnaa ay dumaan, lana waayo cid u ooyda, kolkaana kii wax boobay, kii la boobay iyo kii ku fiirsadayba ay cidla isku warsadaan. Horaa loo yiri “ Wan ilaa la gowraco indhihiisa cirka ma arkaan”

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More