Cali Cabdulaahi Cosoble oo ka digey in Beledweyne laga wareejiyo doorashada Golaha Shacabka

Madaxweynihii hore ee dowlad goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa ka digey in laga wareejiyo magaalada Beledweyne doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka.

Qoraal kooban oo bartiisa Facebook uu soo dhigey Cali Cabdulaahi Cosoble Madaxweynihii ugu horeeyey ee Hirshabelle ayuu ku sheegay in haddii uu R’iisul Wasaare Rooble oggolaato in Beledweyne laga wareejiyo doorashada uu gobolka Hiiraan ka galayo godob taariikhda geli doonta.

“Raiisulwasare yaan lagugu indha sarcaadinin beenta iyo dulmiga lala wareegayo. Haddaad oggolaato in B/weyne laga wareejiyo doorashada ogow waxaad Hiiraan ka gashay godob taariikhda geli doonta.”ayuu ku daabacay boggiisa Facebook Cali Cosoble.

Waxa uu sidoo kale qoraalkiisa ku sheegay Cosoble in mas’uuliyiin ka tirsan Hirshabelle iyo saraakiil ka mid ahayd ciidamada badbaado qaran ay leeyihiin ujeedo gaar ah.

“Mas’uuliyiinta Hirshabeelle iyo saraakiishii ka mid aheyd ciidamadii la magac baxay Badbaado Qaran ee isugu tagay magaalada B/weyne wexey leeyihiin hal ujeeddo in doorashada laga wareejiyo B/weyne oo la geeyo Jowhar. Si ay ugu suurto gashana wexey abaabulayaan rabshado ay ku kicinayaan shacabka magaalada.”

Magaalada Beledweyne ayaa waxaa dhawaan ka dhacay iskahorimaad hubeysan oo ciidamo qaab beeleed u abaabulan ay la galeen ciidamada dowlada iyadoo sidoo kale banaanbaxyo loogaga soo horjeedo maamulka Hirshabelle ay ka dhaceen magaalada Beledweyne.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More