Cali Guudlawe oo laga dalbay inuu si deg-deg ah u soo saaro Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare

Guddiga maamulka doorashooyinka heer dowlad goboleed Hirshabeelle ayaa madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ka dalbaday in uu soo gudbiyo liiska musharaxiinta golaha aqalka sare.

Dalabka ka soo baxay guddigan ayaa yimid waxyar kadib markii uu soo baxay jadwalka doorashada Golaha Shacabka kaasoo sidoo kale ay ku qorneyd in la dhamaystiro qabashada doorashada Aqalka Sare illaa 18ka bishan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa laga sugayaa inuu soo saaro liiska musharaxiinta Aqalka Sare xilli ay caasimada Hirshabelle ay haatan ku sugan yihiin inta badan Maamulka Hirshabelle iyo musharaxiin dooneyso inay liiska ku soo baxaan.

Si kasta ha ahaatee waxaa magaalada Jowhar hareeyay amni daro ka dhalatay weeraro hoobiyo iyo bambo gacmeed lagu qaaday magaalada waxaana weeraradaas mid ka mid ah ku dhaawacmay saddex xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabelle.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka ku saabsan dalabka soo gudbinta liiska musharaxiinta;

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More