Ciidamada AMISOM oo dad rayid ah ku diley degmada Mahaday

Wararkaka imanaya degmada Mahaday gaar ahaan deegaanka Buurane ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay ku dhex dileen gurigeeda haweeney rayid ah.

Dilka ayaa yimid kadib markii mid ka mid ah gaadiidka ciidamada AMISOM ay haleeshay miino nooca dhulka lagu aaso ah.

Ciidamada AMISOM ayaa waxa ay gudaha u galeen guriga ay haweeneydan la diley degeneyd iyagoo si bareer ah xabad ugu dhuftay sida ay sheegeen qaar ka mid ah waxgaradka deegaanka Buurane.

Haweeneydan la diley ayaa la sheegay inay korineysay carruur agoon ah kuwaasoo hore aabahood uu ugu dhintey rasaas habow ah oo ay isweydaarsaneyeen ciidamada AMISOM iyo dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More