Ciidamada ATMIS oo ka baxday Saldhig ay ku lahayd Balcad iyo Alshabaab oo la wareegay

May 14 (Jowhar.com) -Qaar ka mid ah ciidamada ATMIS oo ku sugnaa duleedka Waqooyi ee magaalada Balcad ayaa gelinkii dambe ee maanta isaga baxay iyadoo ay saldhigaas ay la wareegeen dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab.
Lama oga sababta rasmiga ah ee keentay in ciidamadan ay isaga baxaan saldhiggan oo ahaa meel laga ilaaliyo magaalada Balcad.

Hase yeeshee waxaa laga dareemayaa magaalada Balcad cabsi ku aadan in saacad walba ay soo geli karaan Alshabaab.

Ka bixitaanka ciidamadan ay ka baxeen saldhigga ay ku lahaayeen halka loo yaqaan Haansheekh ayaa ku soo beegmeysa maalmo yar kadib markii weerar ay Alshabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada ATMIS ku lahaayeen deegaanka Ceel Baraf ee gobolka Sh/dhexe halkaas oo ay ku dileen inkabadan soddon ka mid ah askarta ka socota dalka Burundi ee ka mid ah ciidamada ATMIS.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More