Ciidamada diidan furista dastuurka Puntland oo isku fidiyay magaalada Garoowe

Jun. 19 (Jowhar.com)-Ciidamada ka amar qaata Taliye Jimcaale oo diidan Furista Dastuurka Punland ayaa saaka isku fidiyay  Jidka sodonka ee Caasimada Puntland ee Garoowe.

Arrintan ayaa walwal ku beertay shacabka ku nool xarunta gobolka Nugaal, waxaa jirta walaac ku aadan suurta galnimada in gacan ka hadal ay isu rogto xiisadan.

Shacabkii daganaa qaybo kamid ah xaafadaha ka agdhaw xarunta baarlamaanka iyo xaafada kale ayaa isaga qaxay nawaaxiga, iyagoo cabsi ka qaba in markasta dagaal qarxo.

Sarkaalka ciidankan wata ee Jimcaale ayaa diidan damaca madaxweyne Siciid C/llaahi Deni uu ku doonaya in lagu furo dastuurkaa, taasoo sidoo kale ay naqdiyeen siyaasiyiinta mucaaradka, iyagoo u arka in lagu naas nuujinayo Deni

 

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More