Ciidamada Milatariga oo sheegay inay dileen Horjoogihii Alshabaab ee degmada Guriceel

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed General Odowaa Yuusuf Raagge ayaa sheegay in ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay dileen horjoogihii Maleeshiyaadka Al-shabaab u qabaailsanaa magaalada guriceel ee gobolka Galguduud Daa’uud Shaambil iyo labo kamid ah ilaaladiisa.

General Odowaa oo u waramayay idaacada ku hadasha codka ciidamada ayaa sidoo kale sheegay inay fashiliyeen ciidamada gaari waxyaalaha qarxa oo la doonayay in lagu soo weeraro magaalada Guriceel oo ka tirsan gobolka Galgaduud.

“Ciidanka xoogga dalka oo ka war helay dhagarta argagixisada ayaa gacanta ku dhigay gaarigii Surf-ka ahaa ee al-shabaab qaraxyada ka soo buuxiyeen iyo Jaakado Qaraxyo ah.”ayuu yiri General Odowaa.

Taliyaha ayaa xusay in ciidanka Xoogga Dalka iyo Daraawiishta Galmudug ay ku raad joogaan qaar kamid ah maleeshiyaad la socotay horjoogihii Alshabaab ee Guriceel.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More