Ciidamo la geeyay xarunta wasaarada warfaafinta ee magaalada Muqdisho

Ciidamo dheeri ah oo ka tirsan koofiya Casta ayaa la geeyay gudaha dhismaha wasaaradda warfaafinta sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah weriyayaasha ka hawlgala warbaahinta dawladda.

Hase yeeshee madaxtooyada ayaa dhanka kale sheegtay inaanay jirin ciidamo dheeraad ah oo la geeyay dhismaha wasaaradda warfaafinta.

Arrintan ayaa imaanaysa xilli madaxweynaha Soomaaliya uu amray in shaqadiisa uu sii wato Fahad Yaasiin oo xilka madaxada Hay’adda Sirdoonka Soomaaliya uu ka qaaday Ra’iisul Wasaare Rooble.

Si kasta ha ahaatee warbaahinta dowlada ayaa weli baahineysa wararka la xiriira xil ka qaadista Fahad Yaasiin iyo kulamada uu ra’iisul wasaaruhu la yeeshay maanta taliyaasha ciidamada.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More