Ciidanka Haramcad oo burburiyay saldhigyo Shabaab ku lahaayeen Sh.hoose

June. 30 (Jowhar.com)-Ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa howlgal culus ka fuliyay deegaano duleedka ka ah degmada Afgooye ee gobolka Sh.hoose.

Wararka ayaa sheegaya in ciidankan oo gaaraya 100 askari ay burburiyeen maxkamado Shabaab ay dadka reer Muqdisho ugu yeeri jireen, Shabaabka ayaa isaga cararay halkaasi kahor inta aysan soo gaarin ciidamada amaanka.

“Ciidanka Booliska gaarka ah ee Haramcad ayaa saakay howlgal qorsheysan ku burburiyey maxkamad beenaadkii Khawaarijtu ku lahayd deegaano hoos taga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose” ayaa lagu yiri war kasoo baxay wasaarada warfaafinta.

Howlgalkan waxaa hoggaaminayay Gaashaanle C/Xamiid Fanax oo ah taliyaha ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Haramcad.

Lama oga in ciidanadan ay kusii nagaan doonaan deegaanadan iyo iney dib usoo laaban doonaan, dhowr jeer oo hore ayey ciidankan soo laabteen inta Shabaab ay ka saareen maxkamado ay ku lahaayeen duleedka Muqdisho.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More