Cumar Cabdirashiid oo su’aal ka keenay goobtii lagu qabtay doorashada Golaha Shacabka Garowe

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa si kulul uga hadlay doorashadii ka dhacday magaalada Garoowe oo lagu doortay 5 ka mid ah xildhibanaada Baarlamaanka 11aad ee Soomaaliya taasoo lagu qabtay xerada 54aad ee ciidamada xoogga dalka.

Cumar Cabdirashiid ayaa soo dhigey bartiisa Twitterka ayuu su’aal iska weydiiyay cidda lagula xisaabtamayo waxa ka dhacay shalay magaalada Garowe;

“Haddii doorasho lagu qabto xeryo ciidan, waa maxay khatarta ah in FEAT ay si cad u wajahdo sharci-darradaas. Yaan kula xisaabtameynaa liiskan dhibaatooyinka aan dhammaadka lahayn ee muuqda. Xaqiiqadu waxay u muuqataa mid aad uga argagax badan wixii aan horay uga baqaynay” ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Shalay ayaa waxaa magaalada Garowe lagu doortay shan xildhibaan iyadoo saddex ka mid ah xildhibaanada doorashada ku soo baxay ay ahaayeeen ku dhow Madaxweynaha Puntland ayna labo ka mid ah ka tirsanaayeen golaha wasiirada Puntland.

Cumar Cabdirashiid ayaa isaga qudhiisa waxa uu ka mid ahaa senataradii baarlamaankii dhamaaday balse ku waayay kursigiisa kadib markii laga reebay musharaxiinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More