Cumar Cabdirashiid;”Doorashada Golaha shacabka waa mid Boob ah”

Mar 3 (Jowhar.com)-Ra’iisul wasaarahii hore ee dalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ku tilmaamay doorashada golaha shacabka ee ka socota dalka inay tahay mid la boobayo oo aan sax ahayn.

Cumar Cabdirashiid aya wareysi uu bixiyay ku sheegay in madaxda dowlad goboleedyada dalka ay muddo laba sano ah iska daba wareejinayeen doorashada ayna ka dhigeen mid boob ah oo aan sax ahayn.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo ka mid ah musharaxiinta doorashada dalka ayaa waxa kale oo ku sifeeyay doorashada dalka ka socota inay tahay mid xulasho ah, isagoo ku eedeeyay madaxda maamul goboleedyada dalka inay u xiraan kursiga qofka ay rabaan, ayna u keenaan qof malxiis u noqdo.

Warkan ka soo baxay Cumar Cabdirashid Cali Sharma’arke ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan lagu wado in lagu qabto qaar ka mid ah kuraasta golaha shacabka magaalada Boosaaso ayna soo baxayaan warar sheegaya in musharaxiin gaar ah loo xirey kuraasta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More