Daacish iyo Alshabaab oo dagaal ku dhex maray buuraleyda gobolka Bari

Wararka ka imaanaya gobolka Bari ee Puntland ayaa sheegaya in buuraleyda Cal-miskaad uu iskahorimaad hubeysan ku dhex maray dagaalamayaal ka tirsan Daacish iyo Alshabaab.

Dagaalka oo sida wararku sheegayaan dhacay shalay ayaa waxaa ka dhashay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac.
Sida ay sheegeen dad ku sugan deegaan u dhow halka uu dagaalku ka dhacay iskahorimaadka ayaa dhashay kadib markii maleeshiyaadka labada dhinac ay ku kulmeen meel tog ah.

Daacish iyo Alshabaab ayaa saldhigyo ku leh buuralayda gobolka Bari iyagoo la dagaalama ciidamada Puntland hase yeeshee labada urur ayaa mararka qaar waxaa dhex mara dagaal iyagoo aan ku ahayn heshiis dagaalka ay kula jiraan maamulka Puntland.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More