Dad badan oo ku dhintey kadib markii uu dul maray baabuur Wisconsin dalka Maraykanka

Shan qof ayaa ku dhintay in ka badan afartan kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii baabuur uu jiiray dad isugu soo baxay meel fagaare ah gobolka Wisconsin.

Muuqaal la soo dhigay internetka ayaa muujinaya baabuur nooca sportska ah ciyaaraha oo midabkiisu guduudan yahay oo ku dhex socda xaflad dad masiixiyiin ah dhiganayay magaalada Waukesha, galbeedka Milwaukee.

Taliyaha booliiska Dan Thompson ayaa sheegay in ay wax ku noqdeen dhacdadan tobanaan qof oo ay ku jiraan caruur.

Waxa uu xaqiijiyay in dadku ay dhinteen balse waxa uu sheegay in aysan faahfaahin ka bixin doonin ilaa xubnaha qoyska loo sheego.

Dhacdadan ayaan hadda u muuqan fal argagixiso, ayay yiraahdeen.
Booliska ayaa rasaas ku furay gaariga si ay isku dayaan inay joojiyaan, ayuu yiri. FBI-da ayaa gacan ka geysaneysa baaritaanka.

Madaxa dab-damiska Steven Howard ayaa warbaahinta u sheegay in waaxdiisu ay 11 qof oo waaweyn iyo 12 carruur ah geysay isbitaallada u dhow dhacdada kaddib. Waaxda booliiska ee magaalada ayaa markii dambe sheegtay in dugsiyada dadweynaha ee Waukesha la xiri doono Isniinta.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More