Dadaalo la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo Galmudug iyo Ahlu Sunna oo natiijo la’aan ku dhamaaday

Dadaalo la doonayay in lagu dhexdhexaadiyo maamulka Galmudug iyo ururka Ahlu Sunna ayaa burburay kadib markii saraakiil u tagtay deeganka Bohol dhexdhexaadin ay sheegeen inay Ahlu Sunna ka diiday dhexdhexaadintii ay wadeen.

Janeraal Aadan Abshir Nuur (Laba Afle) oo ka tirsan saraakiisha ciidanka xoogga dalka oo horkacayay wafdi u tegey deegaanka Bohol dhexdhexaadin ayaa sheegay in ay guuldareysatay dadaaladii ay wadeen.

“Saraakiil ka tirsan dowladda dhexe oo aan ka mid ahaa ayaan u joognay muddo 12 cisho ah deegaanka Bohol si aan ugala hadalno ururka Ahlu Sunna in wadahadal lagu dhameeyo wax walba balse waan ku guuldareysanay oo Ahlu Sunna wax walba oo aan u sheegnay waa ay naga diideen,” ayuu yiri Jeneraal Laba-Afle oo gelinkii dambe shir jaraa’id ku qabtay magaalada Dhuusamareeb.

General Laba Afle ayaa sheegay in dhexdhexaadintii ay wadeen ay burburtay ayna arrinka u taal wixii hadda ka dambeeya maamul goboleedka Galmudug.

Dadaalada ay wadeen saraakiisha ka tirsan dowlada federalka oo haatan ka gacan taagtay ayaa laga cabsi qabaa inay isu bedesho dagaal markale ka dhex qarxa ciidamada dowlada iyo galmudug oo dhinac ah iyo ururka Ahlu Sunna maadaama ay maleeshiyaadka Ahlu Sunna ay ku sugan yihiin meel aan ka fogeyn xarunta dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb oo lagu wado in dhawaan ay ka bilowdaan doorashada Golaha Shacabka.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More