Dadkii ka barakacay Boosaaso oo guryahooda ku soo laabanaya

Wararka ka imanaya magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in kumanaan qoys oo ka barakacay dagaalo saddexdii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Boosaaso inay bilaabeen inay dib ugu soo laabtaan guryahoodii.

Soo laabashada dadka ayaa timid kadib markii xabad joojin loogu baaqay labada dhinac ee ku dagaalamay Boosaaso ay dhaqan gashay.

Waxaa la kala qaaday ciidamadii isku horfadhiyay xaafado ka mid ah magaalada Boosaaso iyadoo ganacsiga iyo isu socodka gaadiidka uu dib u soo laabtay.

Dagaalka ka dhacay Boosaaso ayaa sababay qasaare xoog leh iyadoo dhinacyada ku dagaalamay weli aysan si toos ah isu soo horfariisan oo aan la xal laga gaarin khilaafkii dhaliyay dagaalka.

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee dhanka Gargaarka Bani’ aadamnimada ee Soomaaliya Aadam Abdulmoula oo ka hadlay dagaalka ka dhacay Boosaaso ayaa sheegay in wax laga xumaado uu yahay dagaalka Boosaaso oo sabab u noqday Barakaca Kumanaan ruux oo lagu dul dagaalamay iyada oo xaalad la joogo waqtiga is badelka cimilada Magaaladaas.

Boosaaso waxaa ku dagaalamay Ciidamada Dowlad goboleedka Puntland iyo kuwa gaarka u tababaran ee PSF oo diidan in xilka laga wareejiyo Agaasime Maxamuud Cismaan Diyaano.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More