Dagaal culus oo u dhexeeyay Somaliland iyo SSC Khaatumo oo ka socda deegaanka Buq-Dharkayn

Dowladda Itoobiya oo ku guul dareysatay wadahadal ay ka dhex waday Somaliland iyo SSC

Nov 22 (Jowhar.com)-Dagaal xoog leh oo u dhaxeeya ciidamada SSC-Khaatumo iyo Somaliland ayaa kasocda deegaanka Buq-Dharkayn oo ay maalmihii u dambeeyey labada dhinacba isku horfadhiyeen, iyadoo ay dhanka Somaliland saacadihii u dambeeyey kordhisay dhaqdhaqaaqa iyo diyaargarowga dagaal.

Labo jiho ayuu kasocdaa dagaalka, sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo deegaanada ku dhaw dhaw Buqdharkeyn, iyadoo ay xiligaas goobta tageen odayaal dhaqan oo nabadeyn u socday.

Maalmo kahor odayaal labada dhinac ah ayaa ka shaqeynayay dadaal nabdeed oo dagaalka looga ilaalinayo in uu isku rogo mid qabaa’il.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, ayaa la xaqiijinayaa in labada dhinacba ay kala gaareen.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More