Dagaal u dhexeeya ciidamada dowlada oo ka qarxay Wanlaweyn

Wararka ka imanaya degmada Wanlaweyn ee gobolka Sh/hoose ayaa waxaa ay sheegayan in uu ka dhex qarxay dagaal ciidamada dowlad ee ku sugan degmadaas.

Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamo ay kala wataan guddoomiyaha degmada Walanweyn iyo kuxigeenkiisa dhinaca Arrimaha Bulshada.

Iskahorimaadka ayaa waxaa uu salka ku hayaa awooda maamulka degmada Wanalweyn oo ay dhowr jeer isku qabsadeen..

Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyootay tiro kalana waa ay ku dhaawacmeen iskahorimaadkan.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More