DEG DEG: Qarax xooggan oo goordhow ka dhacay Muqdisho

Qarax xooggan ayaa goordhow ka dhacay agagaarka Ceelgaabta, kaasoo ahaa gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay.

Qiic iyo uuro ayaa la arkayay, iyadoo wararku sheegayaan qaraxa uu ka dhacay dhinaca Beerta Nabadda dhanka Koontaroolka Ceelgaabta ee lagu hubiyo baabuurta aada Madaxtooyada.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha, waxana qaraxa ahaa mid xooggan oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Qaraxyada loo adeegsado gawaarida waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyo ayaa muddooyinkii u dambeeyay yaraaday, hase ahaatee waxaa kordhay qaraxa qofka jaakadaha qarxa soo xirta ee goobaha dadka fariistaan isku qarxiya.

La soco wixii warar ee ku soo kordha

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More