Deni oo xilka ka qaaday taliyihii Ciidamada Booliska Puntland Taliye cusubna magacaabay

Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 32 ee 1-da November 2021 kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland, iyada oo xilkii laga qaaday taliyihii Booliska Puntland Cabdi yare.

Wareegto uu soo saaray Madaxweyne Deni ayaa u qorneyd sidan;
Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Maamulka Puntland Qodobkiisa 80-aad.

Markuu arkay: Baahida loo qabo Dar-dar gelinta Amniga.

Markuu la tashtay: Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.

Markuu Tixgeliyey: Aqoontiisa, kartiisa iyo waayo-aragnimadiisa Ciidannimo.

Wuxuu xeeriyey:

1. Waxaa S/Guuto Maxamed Cali Xaashi loo magacaabay Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Puntland, isaga oo horay u ahaa Taliyaha Booliska dekadda Boosaaso.

*Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More