DF Soomaaliya oo ceyrisay Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya

Apr 04 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa maanta qaaday tilaabooyin ka dhan ah Itoobiya oo maalmahan wadag daan daansi ka dhan ah madax banaanida dalka.

Dawladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in laga bilaabo maanta la xiray Qunsuliyadihii Itoobiya ku lahayd magaalooyinka Garoowe & Hargeysa ee maamulada Puntland iyo Somaliland.

Sidoo kale dowladda Soomaaliya ayaa Safiirka Itoobiya ee Muqdisho u joogayna dalkiisa ayaa loo ceyriyey.

Arrimahan ayaa yimid kadib markii shalay Itoobiya ay heshiis la gashay wafdi ka socday Puntland oo tagay Adis Ababa.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More