Dhakhtarkii daweyn jiray dhaawacyada Shabaab oo dowladda isku soo dhiibay

Aug. 10 (Jowhar.com)-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu isku soo dhiibay mid kamida dhakhaatiirtii kooxda Al-Shabaab ee qaabilsanaa daweynta dhaawacyadooda.

Ninka isa soo dhiibay oo magaciisa lagu sjeegay Cabdi Cabdullaahi oo magaciisa afgarashadu yahay Cabdinasir ayaa ahaa dhaqtar daaweeya dhawacyada Shabaablixdii sano ee la soo dhaafay.

Waxa uu isku soo dhiibay Ciidamada ammaanka ee ku sugan degmada Baxdo ee gobolka Galgaduud, halkaasoo warbaahinta loogu soo bandhigay.

Waxa uu lasoo goostay qori AK-47 ah, iyadoo lagu wareejiyay nabad sugida maamulka Galmudug.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More