Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay maqaaxi ku taala magaalada Muqdisho

Sep 29 (Jowhar.com)-Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ahaa oo galabta ka dhacay Maqaaxi ku taala gudaha kaamka Darwiish oo ku dhow ex Bar Bulsho oo ah nawaaxiga kontrolka Seydka ee madaxtooyada laga ilaaliyo.

Booliska Soomaaliya oo weerarkan ka hadlay ayaa xaqiijiyay in qof isa soo miidaamiyay oo katirsan Shabaab uu isku qarxiyay maqaayad lagu shaah cabo oo ku taala Baar Bulsho Degmada Howlwadaag.

Sida boolisku sheegeen, khasaaraha ayaa ah dhimashada 5 ruux iyo dhaawaca 6 kale oo dhamaantood ahaa dadkii goobta ku shaah cabayay iyo qofkii isa soo miidaamiyay.

Dadka dhintay waxaa kujiro askar ka tirsan ciidamadda dowladda oo maqaaxida ku sugnaa, wararka ayaa intaasi kusii daraya in ruuxa ismiidaamiyay uu kamid ahaa dadka maqaaxida ku Qayilayay ama Jaad cunayay.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More